Diinta

Wadanka Swiiserlaan caadi ahaan waa dal haysta diinta Kirishtaanka. Maantase waxaa deggan dad badan oo diimo kale leh. Swiiserlaan, waxaa ka jira xorriyadda diinta, isla markaana Dugsiyada waxbarashada ee dowladda waa kuwo diimaha u siman.

Diinta iyo Dowladda

Wadanka Swiserlaan waxay ku dhaqantaa diinta Kirishtaanka. Gobollada ayaa go'aamiyo xiriirka u dhexeeya diinta iyo dowladda. Gobolka Basel-Stadt ayaa sida badanaaba gobollada afka jarmalka looga hadlo oo kale u aqoonsaday qaar kamid ah Bulsho diimeedyada inay yihiin sida hay'ado dowladeed. Taasi waxay ka dhigantahay in ay u ogolaanayso xuquuqaha qaarkood, tusaale ahaan in ay dadka xubnaha ka ah ayaga Canshuuri karaan. Bulshooyinka diinta ee Gobolka Basel-Stadt ee loo aqoonsanyahay sida hay'ado dowladeed waxaa kamid ah: Kaniisadda Evangaalig-Reformaanta, Kaniisadda Kaatoolik-Roomaanka, Kaniisadda Kirishtaanka-Kaatooliga iyo Ururka Yuhuudda. Bulshooyin kale ayaa jira oo uu Gobolka aqoonsanyahay. Bulshooyinkaas waxay hoos yimaadaan sharciyada gaarka ah ee aan ahayn sida kuwa dowliga ah.

Bulsho diimeedka Gobolka Basel-Stadt

Qiyaastii saddex qeybood Bulshada reer Basel, waa xubno kamid ah afarta bulsho ee si bannaan oo sharci ah loo aqoonsanyahay. Afartaas marka laga soo tago waxaa jiro Bulsho diimeedyo badan oo kale, tusaale ahaan Muslimiinta, hinduuga, buddiistaha ama dhaqammada cusub. Qiyaas ahaantii dadka deggan halkan nus ka mid ah waa dad aan ka tirsanayn bulsho diimeed.

Xorriyadda Diinta

Dastuurka Swiiserlaan wuxuu hubiyaa xorriyadda diimaha. Taas macnaheedu waa: Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu go'aansado diinta uu ku qanacsanyahay. Qof walba wuxuu xaq u leeyahay in uu muujin karo iyo in uu faafin karo waxuu ku qanacsanyahay. Qofna kuma qasbi karo inuu qof kale kubiiro Bulsho diimeed. Dadka waxay xaq u leeyihiin in ay hal meel isugu yimaadaan ayagoo diintooda ku dhaqmaayo ama u dabbaal dagaayo xaflado diimeed. Ma aha in dadka lagu takkooro sababo la xiriira diintooda ama waxa ay aaminsanyihiin.

Diinta iyo Dugsiga

Iskuullada waajibka ah waa mid ka madax bannaan diinta. Hase yeeshee, mowduucyada ku saabsan diimahaha kama marna Casharrada. Dugsiga hoose waxaa jiro maaddo lagu dhigto oo la yiraahdo "Bii'ada, Bini'aadamka, Bulshada" «Natur, Mensch, Gesellschaft». Maadadan waxay ku saabsantahay farqiga noolaha iyo dhaqammadooda kala duwan. Balse, waxaa jira casharro diinta kusaabsan, oo carruurta ayaa si xor ah uga qayb qaata casharradaas. Dugsiga dhexe waxaa jira maaddo lagu dhigto oo la yiraahdo "Akhlaaqda, Diimaha, Bulshada" („Ethik, Religionen, Gemeinschaft") oo ah mid waajib ah in ardaygu ka qayb qaato. Ardayda waxay kubaranayan maadadan xirfadaha muhiimka ah ee ay u baahanyihiin nolosha iyo wada noolaashaha dadyoowga kala duwan. Carruurta diimaha kale aaminsan, bulsho diimeedyada qaar ayaa siiyo fursado casharro meel kabaxsan iskuulka.