Ceymiska Shaqo la'aanta
Ceymiska Shaqo la'aanta (ALV) waa hay'ad dowli ah oo qasab ku ah dhammaan shaqaalaha inay ku jiraan. Lacagaha Ceymiskan waxaa bil walbo si toos looga jaraa mushaharka shaqaalaha. Qofka loo shaqeynayo waxuu dhiibaa nus kamid ah lacagahaas. Dadka goonidooda u shaqeysto mageli karaan Ceymiskan. Qofkii shaqo la'aan ku dhacdo, waxuu ka helayaa sanduuqa shaqo la'aanta, kaalmo ah badalkii mushaharkii uu ku shaqeyn jiray (Arbeitslosengeld). Inaad helayso ama Goorta ay kuu bilaabanayso iyo Cadadka Kaalmada shaqo la'aanta (Abeitslosengeld) ee lagu siin doono waxay ku xirantahay wax yaabo kala duwan. Tusaale ahaan, intii sano ee aad horay usoo shaqeysay ama sababta aad u noqotay shaqo la'aan.